WARARKA SOOMAALI

Shir Deg-deg ah oo laga yeeshay Amniga Magaalada Muqdisho, xili lagayo Bisha…

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta shir la qaatay Taliyeyaasha Booliska, qaybta Guud ee Gobolka Banaadir, qaybaha iyo Saldhigyada degmooyinka.

Shirkaas ayaa inta uu socday looga hadlayey adkaynta amniga guud ee dalka, kan caasimadda Muqdisho iyo dardar gelinta sugidda amniga doorashooyinka dalka oo maraya meel gabogabo ah.

Taliyaha ayaa Saraakiisha Ciidanka faray in si weyn looga hortago falalka liddiga ku ah amniga, lagana feejignaado dhagaraha ay argagixisada arxanlaaweyaasha ahi u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed ee birimagaydada ah

Sidoo kalena la labo jibbaaro dadaallada sugidda amniga guud ee dalka iyo kan Caasimadda inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Kulakan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo maalin kahor Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo faray Taliyeyaasha Ciidamada inay xoojiyaan amiga Caasimadda dalka ee Muqdisho iyo kuwa Gobolada…

Shir Deg-deg ah oo laga yeeshay Amniga Magaalada Muqdisho, xili lagayo Bisha…
To Top