WARARKA SOOMAALI

Shil Diyaaradeed oo Maanta ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa galabta shil diyaaradeed ku gashay Diyaaradda Ethiopian Airlines, oo kusii jeeday magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalkaas.

Diyaaradda oo sidday in ka badan 100 qof ayaa xilli ay dooneysay inay ka duusho Garoonka Aadan Cadde waxaa mid kamid ah matoorada galay shimbirka loo yaqaan Gorgorka, taasi oo ay keentay in diyaarado cilad ku timaado.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo Qoraal soo saartay ayaa waxaa ay ku sheegtay in wax khasaaro ah uusan ka dhalan shilkaas, isla markaana ay badqabaan dhammaan rakaabkii saarnaa diyaaradda Ethiopian Airlines.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) , waxay xaqiijineysaa in duulimaadka lamarkiisu ahaa ET379 – Muqdisho- Addis Ababa ee Diyaaradda Ethiopian Airlines inuu u baaqday xaalad ka dhalatay shimbirka Gorgorka oo dhex-gashay mid ka mid ah matoorada,xilligii ay Diyaaradda ka kici lahayd garoonka Aadan Cabdulle Isniinta maanta , taa oo dhalisay duuliyaasha inay dib u dejiyaan diyaaradda” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Hay’adda Duulista ayaa intaas Qoraalkeeda kusoo dartay “Diyaaradda ayaa sidday 112 qof oo isugu jiray rakaab iyo shaqaalaha diyaaradda  , dhammaantood way bedqabaan, sidoo kale ma jirto xaaladan wax khasaare ah oo ka soo gaaray diyaaradda”.

Shil Diyaaradeed oo Maanta ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde
To Top