WARARKA SOOMAALI

Shiinaha oo War kulul kasoo saaray falka lagu Qarxiyey Buufinta Basaaska u ahaa

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Shiinaha ayaa waxaa sheegtay inay aad iyo aad uga xun tahay, kana soo horjeedo tallaabadii Maraykanka Awooda Ciidan ugu adeegsaday ee lagu weeraray, laguna burburiyey Buufinka ama Balloonka Shiinaha.

Dowladda Shiinaha ayaa waxaa ay falkaasi ku sifeeyeen Xadgudub ba’an oo ka dhan ah Dhaqanka Caalamiga.

Hadalka Shiinaha ayaa soo baxay, kadib, markii ay Diyaaradaha Dagaalka Maraykanka ay Hawada ku toogteen Balloonkaasi, iyadoo uu burburkiisa ku hoobtay xeebaha Gobalka South Carolina Badweynta Atlantic.

Madaxweyne Joe Biden ayaa bixiyey Amarkii lagu burburiyey Balloonkaasi oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay dul heehaabayey Hawada Sare ee dalkaasi.

Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon waxay sheegtay inay Balloonkaasi uga shakiyeen inuu ahaa Buufin Basaase ah, halka ay Dowladda Shiinaha ku adkaysatay inuu shaa Balloon loo adeegsanayey Cilmi-baaris dhanka cimilada.

Si kastaba, ma cadda Tallaabooyinka kale ee Aargoosiga ee ay Shiinaha ka qaadi doonaan Falka ay Maraykanka ku burburiyeen Balloonkaasi.

Shiinaha oo War kulul kasoo saaray falka lagu Qarxiyey Buufinta Basaaska u ahaa
To Top