WARARKA SOOMAALI

Sheekh Shariif “Waxaan diyaar u ahay xallinta khilaafka Rooble iyo Lafta-gareen”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa boggaadiyey shaqada RW Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddiyada doorashooyinka taas oo ku aadan bixinta shahaadooyinka Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliyeed.

Qoraal uu soo saaray Sheekh Shariif ayuu ku sheegay inuu aad uga walaacsan yahay ra’yi duwanaanshaha soo kala dhex gashay RW  Rooble iyo Madaxweynaha KG Cabdicasiis Lafta-gareen, taas oo khalkhal gelisey habsami u socodka doorashadii dalka.

“Sida la ogsoon yahay, doorashooyinku waxay soo mareen caqabado fara badan oo keeni karay burbur, hadana  mar walba waxaa looga soo gudbayey wada hadal, is fahan iyo isu tanaasul.  Khilaafkaan hadda taagan hadii aan xal loo helin wuxuu keeni karaa in lagu fashilmo qabashada doorashada, waxaana ka dhalan kara natiijooyin aan dalka iyo dadkuba u wanaagsanayn oo saameyn ku yeelan kara mustaqbalka jiilasha soo socda” ayuu yiri Shariifka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Lafta-gareen ugu baaqay inay raadiyaan xal looga gudbo caqabadaha jira iyo is fahan-waaga la xiriira doorashada.

“Ugu dambeyn waxaan diyaar u nahay in aan kaqayb qaadanno xal u helidda iyo is fahamka RW & Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya” ayuu Qoraalkiisa oo aad u dheeraa kusoo gaba-gabeeyay Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif “Waxaan diyaar u ahay xallinta khilaafka Rooble iyo Lafta-gareen”
To Top