WARARKA SOOMAALI

Sheekh Shariif oo si adag uga hadlay Dagaal Beeleedka Sh/Dhexe

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa ka hadlay dagaal beeleedyada khasaaraha dhaliyey ee maalmihii lasoo dhaafay ka dhacaayay deegaano hoostaga degmooyinka Raaga-ceelle iyo Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sheekh Shariif oo ku sugan Raaga-ceelle ayaa beelaha dagaalamay ugu baaqay inay marka hore sameeyaan xabad joojin, isla markaana dhinacyada ay kala qaadan maleeshiyaadka isku horfadhiya deegaannada Colaada maalmihii lasoo dhaafay ka socotay.

Madaxweynihii hore ee dolwadda Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay in gogal nabadeed la fidiyo oo ay isugu yimaadan Odayaasha dhaqanka iyo Waxgaradka beelaha dirirtu dhexmartay, si nabad loo qaato, lana joojiyo dhiiga daadanaya.

“Intii naga dhacdaa Ceeb iyo culeys noogu filan, xabadda waa in la joojiyo oo laga qaado ciidamada gogol nabadeed la galo oo la xaliyo tabashooyinka jira” ayuu yiri Sheekh Shariif oo tilmaamay in ay deegaanka u tageen xallinta Colaada beeleedka.

Dagaal beeleedyadii ka dhacay deegaano hoostaga degmooyinka Raaga-ceelle iyo Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ku naf-waayay in ka badan 20 ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah, halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

Sheekh Shariif oo si adag uga hadlay Dagaal Beeleedka Sh/Dhexe
To Top