WARARKA SOOMAALI

Sheekh Shariif oo Muqdisho ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed oo maalmo kahor dib ugu soo laabtay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa bilaabay kulamo wadatashi ah oo uu la qaadanayo Xildhibaanada Golaha Shacabka Barlamaanka iyo qeybaha Bulshada.

Sheekh Shariif ayaa xalay kulan la qaatay qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana kulanka looga wada hadlay xaaladda Dalka iyo sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha jira.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo qoraal kooban bartiisa gaarka ah kusoo qoray ayaa waxa uu ku sheegay inuu sii wadi doono kulamada wadatashiga ah ee uu la yeelanayo Xildhibaanada Baarlamaanka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Shariifka ayaa kamid ahaa siyaasiyiintii sida weyn uga soo horjeestay heshiiskii dhawaan magaalada Muqdisho ku gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka ee go’aanka looga gaaray doorashooyinka dalka.

Si kastaba, imaashaha Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa hordhac u ah qulqulka siyaasiyiin kale oo kusoo wajahan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, si ay uga arrinsadaan go’aannada xasaasiga ee soo baxaya.

Sheekh Shariif oo Muqdisho ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed
To Top