WARARKA SOOMAALI

Sheekh Shariif oo kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahan Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa xalay Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare Senatorka dooran ee Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulanka dhexmaray Sheekh Shariif iyo Cabdi Xaashi ayaa waxaa ay uga wada hadleen Arrimaha doorashooyinka gaar ahaan doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Madaxweynihii hore ee dalka Shariif ayaa Senatar Cabdi Xaashi u sheegay inau muhiim tahay dardar-gelinta doorashada Golaha Shacabka ee Somaliland oo dhawaan ka bilaabatay magaalada Muqdisho, lana doortay Xildhibaanadii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka.

Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi uga mahad celiyay kaalintiisa sida is fahamka ah ee ay socoto doorashada Xildhibaanada Matalaya gobolada Waqooyi ee dalka oo uu shariifku sheegay in loo baahan dardar-gelinteeda.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo ay hakad ku jirto doorashada Golaha Shacabka ee Somaliland, xili la doortay labadii Xildhibaankii ee horreeyay oo kala ah Mahdi Maxamed Guuleed Khadar Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkaiyo Biixi Iimaan Cige.

Sheekh Shariif oo kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya
To Top