WARARKA SOOMAALI

Sheekh Shariif & Maxamed Bin Salmaan oo ka wada hadlay arrin muhiim ah

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa kulan la qaatay dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, kadib markii Shariifka  uu kamid noqday mas’uuliyiinta sannadkan kasoo qeybgashay gudashada Xajka.

Sheekh Shariif ayaa bogaadiyay kaalinta Boqortooyada Sacuudiga ee ku aaddan isgarab taagga wadamada Islaamka oo dhan gaar ahaana dadaallada dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo gargaarka bani’aadannimo ee ay muddada dheer la garab-taagnaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu Madaxweyne hore uga mahadceliyay Maxamed Bin Salmaan casuumaadda martiqaadka qado sharafka uu u sameeyay mas’uuliyiinta sannadkan kasoo qeybgashay gudashada Xajka.

“Waxay mahad u sugnaatay Allaah (SWT), oo inoo suurta geliyey inaan markale sanadkaan kamid noqonno Muslimiintii soo gudatey waajibaadkii Xajka. Waxaan uga mahadnaqaayaa madaxda Boqortooyada Sacuudiga oo ay ugu horreeyaan Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis iyo dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan, oo  adeegyo cusub oo u fududeynaayo sannadkan usoo kordhiyey  martida Alle ee sannadkan gudanaysay acmaasha waajibaadka Xajka” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa intaas kusii daray “Waxaan Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed Alle uga baryayaa inuu nabad iyo barwaaqo inooga dhigo”.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sanadkaan ka mid noqday malaayiin muslimiin ah oo gudatay waajibaadkii Xajka, kuwaasi oo isaga kala yimid dunida daafaheeda.

Sheekh Shariif & Maxamed Bin Salmaan oo ka wada hadlay arrin muhiim ah
To Top