WARARKA SOOMAALI

Shariif Xasan oo laga hor istaagay inuu aado Magaalada Baydhabo iyo sababta keentay

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa la sheegay in saaka laga hor istaagay, in uu u bixitimo Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku meel gaarka u ah dowlaad GoboleedKa Koonfur Galbeed.

Wararka aynu helnay ayaa sheegay in  Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, xili uu doonayay  inuu u safro Baydhabo oo uu yaallo Kursigiisa Xildhibaannimo, ee uu doonayo in uu u tartamo.

Shariif Xasan ayaa horay waxaa loo siiyay sida xog aynu ku helnay kursigaasi yaalla Baydhaba, waxaana hadda soo baxaya warar sheegaya in shaqsi kale lala doonayo kursigaasi.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa horay Musharixiin dhowr ah waxaa uu uga joojiyay in ay ka dhoofaan Magaalada Muqdisho, si ay ugu tartamaan kuraasta Golaha shacabka ah, oo taalla Baydhaba.

Shariif Xasan oo laga hor istaagay inuu aado Magaalada Baydhabo iyo sababta keentay
To Top