WARARKA SOOMAALI

Shaqo joojin lagu sameeyay Maareeyihii Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka ee Khaliif Cabdi Cumar ayaa shaaca ka qaaday inuu shaqo joojin ku sameeyay Maareeyaha guud ee Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed Aadan Xasan Barre.

Wareegto uu soo saaray Wasiir Khaliif Cabdi ayuu shaqada uga joojiyay Maareeyihii guud ee Hay’adda Tayo-dhowrka, isla markaana waxaa lagu eedeeyay xadgudubyo kala duwan uu ku kacay iyo Wadashaqeyn la’aanta Mas’uuliyiinta kale ee Hay’adda.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa xilka Maareeyaha guud ee Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed si KMG ah ugu magacaabay inuu noqdo maareeye ku-xigeenka Hay’addaasi

 

Shaqo joojin lagu sameeyay Maareeyihii Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed
To Top