WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO:-Wafdi ka socda Golaha Ammaanka oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa galabta soo gaaray wafdi ka socda Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika (AU-PSC), iyagoona siweyn loogu soo dhaweeyay Caasimadda.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya Safiirka Masar u fadhiya dalka Itoobiya ahna wakiilka joogtada ah ee Midowga Afrika Danjire Dr. Maxamed Cumar Gad.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kula kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Danjire Francisco Madeira, Taliyaha Ciidamada AMISOM, Lt Gen Diomede Ndegeya, Taliyaha Booliska AMISOM, Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Booliska Augustine Magnus Kailie.

Wafdiga ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan madaxda ugu muhiimsan dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay Madaxweynaha H.E.  Mohamed Abdullahi Mohamed iyo Ra’iisul Wasaaraha H.E.  Maxamed Xuseen Rooble.

Waxay sidoo kale la kulmi doonaan shuraakada caalamiga ah iyo Ururada Bulshada Rayidka ah.

SAWIRRO:-Wafdi ka socda Golaha Ammaanka oo soo gaaray Magaalada Muqdisho
To Top