WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO: Wafdi hordhac u ah Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray M. Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa gaaray wafdi horudhac u ah safar lagu wado in berri oo talaado ah magaalada Baydhabo ku gaaro Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Mas’uuliyiin katirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa Garoonka diyaaradaha Baydhabo kusoo dhaweeyay Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Soomaaliya, xildhibaano katirsan labada Aqal iyo xubno kale oo hordhac u ah safarka Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safarkii ugu horeeyay tan iyo markii la doortay 15-kii bishan ku tagaya magaalada Baydhabo halkaas oo la filayo in uu kula kulmo Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ku tagayo magaalada Baydhabo ayaa imaanaya xilli maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ka socdeen shirar looga soo horjeedo maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdicasiis Laftagreen.

SAWIRRO: Wafdi hordhac u ah Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray M. Baydhabo
To Top