WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO: Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmay Villa Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo muddo labo maalmood ah socon doona ayaa Madaxda Qaranka ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad-Goboleedyada dalka, waxa ay ku lafo-guri doonaan arrimaha hortebinta u leh shacabka iyo dowladda, gaar ahaan sugidda amniga dalka,  wax ka qabashada saameynta abaaraha  dalka ka jira iyo la dagaallanka argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, Madaxda Hirshabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa shirka goobjoog ka ah, waxaana ka maqan oo kaliya Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo shirka ZOOM uga qeyb galaya.

Shirkaan ayaa daba socdo kulankii fashilmay ee ay gudaha Muqdisho ku yeesheen Wasiirka maaliyadda dowladda dhexe iyo Wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada dalka, kaas oo ugu dambeyn lagu kala kacay, kadib markii Wasiirada ay heshiin waayeen.

 

SAWIRRO: Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmay Villa Somalia
To Top