Waxaa saakay oo Isniin ah qaar kamid ah shacabka kunool dowlad Goboleedka Puntland u dareereen doorasho qof iyo Cod oo markii ugu horreeysay ka dhaceysa deegaanada Maamulkaas..
Doorashada oo ah mid shacabka ku dooranayaan Golayaasha deegaanka saddex degmo ayaa ka dhici doonta degmooyinka kala duwan Qardho, Eyl iyo Ufeyn ee Puntland.
Doorashada ayaa waxaa ku tartamaya Goleyaasha deegaanka 8 Urur siyaasadeed oo kala ah, Kaah, Mideeye, Horseed, Caddaalad iyo Sinnaan, Runcad, Mustaqbal, Ifiye iyo Shaqaalaha.
449 Musharax ayaa isku soo sharaxay 87 kurso oo ah Golayaasha deegaanka saddexda degmo ee ay doorashada ka dhacayso, kuwaasi oo kala tirsan 8 Urur siyaasadeed ee Maamulka Puntland.
Degmada Qardho ew Gobolka Bari ayaa waxaa lagu tartamayaa 33 kursi, degmada Eyl waxaa lagu tartamayaa 27 kursi halka degmada Ufeyn lagu tartamayo 27 kursi.
Ammaanka guud ee deegaanada Puntland ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa la joojiyay isku socodka gaadiidka degmooyin ka tirsan Gobolka Bari, maadaama dadka ay u dareereen doorasho qof iyo Cod ah.