WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO:-Ra’iisul Wasaare Rooble oo Maanta kulan la qaatay Safiirada 15-ka dal

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirrada 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika.

Danjireyaasha oo uu hoggaaminayay Maxamed Gad ayaa kala hadlay Ra’iisul Wasaaraha howlaha ciidanka nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya iyo xoojinta Iskaashiga Dowladda Federaalka iyo Midowga Afrika.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku boggaadiyey danjireyaasha wada xaajoodkan muhiimka ah ee looga hadlayo dardargelinta howlgalka AMISOM iyo xiliga kala guurka ee amniga dalka loogu wareejiyo Ciidanka Qaranka.

Eng. Rooble ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii loo adkayn lahaa iskaashiga ay la leedahay wadamada Gobolka iyo guud ahaan dalalka Afrika.

SAWIRRO:-Ra’iisul Wasaare Rooble oo Maanta kulan la qaatay Safiirada 15-ka dal
To Top