WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO: Munaasabadda 1-da Luuliyo oo siweyn looga xusay Laascaanood

Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa xalay si wayn looga xusaya Munaasabadda sannad guurada 63-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed ee dalka iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee 1-da Luuliyo.

Waxaa ka qayb galay Xafladda Garaadada , Barlamaanka aqalka Sare ee Soomaaliya, Xildhibaanada Federaalka Soomaaliya , Mayorka Degmada Laascaanood , Maayar ku xigeenka , fulinta , guddiga 33 ka , dhalinyarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaana goobta xafladda lagu xardhay sawirka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka ayaa Maanta looga dabaal-deggayaa Munaasabadda sannad guurada 63-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed ee dalka iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee 1-da Luuliyo.

SAWIRRO: Munaasabadda 1-da Luuliyo oo siweyn looga xusay Laascaanood
To Top