WARARKA SOOMAALI

Sawirro: Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Magaalada Garoowe & ujeedkiisa

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhoweyey Magaalada Garoowe ee caasimadda Maamulka Puntland.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe Wafdiga Madaxweynaha waxaa kuso dhoweyey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, labadda Golle Maamulka iyo qeybaha kala duwan bulshada caasimada Garoowe.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen iyo wafdigiisa ayaa maalmo joogi doona Magaalada Garoowe, isagoona kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda ugu saraysa Maamulka Puntland iyo qeybaha kala duwan Bulshada.

Labada Madaxweyne ee Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Deni ayaa ka wadatashan doona arrimo kala duwan, isla markaana iska xog-wareysanaya xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo arrimo la xiriira dowladda Federaalka.

Sawirro: Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Magaalada Garoowe & ujeedkiisa
To Top