WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO: Laascaanood oo siweyn looga dabaaldegey Munaasabadda 26-ka June

Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa 15 sanno kadib, waxaa xalay lagu qabtay Mumasabadda qiimaha badan ee 26-ka June, iyadoo xalay ay isu soo baxeen kumanaan shacab reer Laascaanood ah, kuwaasi oo ku debbaal degaya Calanka Buluugga ah.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ayaaa kasoo qaby galay Munaasabadda, waxaana qayb ka ahaa qaar ka mid ah Isimada dhaqanka ee Gobolada SSC, kuwaasi oo shacabka la debaal degayay.

“Maansha Allaah, Laascaanood oo caawa si weyn looga dabaaldegey sanad guuradii 63aad ee 26ka June oo aheyd markeynu calamka qaadaney, oo nidhi “Kana siib, kana saar”. Hadii mar kale reer SSC tidhi “kaasna siib (S/L flag), kana saar”, waa Alxamdulilaah” ayuu yiri Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale oo ka hadlay munaasabada ka dhacday magaalada Laascaanood.

Wuxuu intaas kusii daray hadalkiisa Garaad Mukhtaar “Waan ka xunahay inaan xuskaas ka maqnaano, laakiin ka 1da luulyo, IA. Aad baan ugu mahadineynaa dhamaan Intii kasoo shaqeysey oo uu ugu horeeyo Mayorka magaalada, ciidamada boliiska, masuuliyiinta Golaha degaanka iyo Jabaahiirta oo suuro geshey xuskaan. Guul iyo Gobanimo”.

Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacay dagaal ay dad ku dhinteen, oo u dhexeeyay Ciidanka SSC iyo Millateriga Somaliland oo duqeymo culus ka fuliyay gudaha magaalada.

SAWIRRO: Laascaanood oo siweyn looga dabaaldegey Munaasabadda 26-ka June
To Top