WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO:-Guddiga Doorashada Somaliland oo diiwaan-geliyey Guddiga xulista Ergo

Guddiga Maamulka Doorashada gobolada waqooyi ee Somaaliland ee SEIT ayaa maanta  diiwangeliyay Guddiga soo xulista ergada kuraasta tirsigoodu yahay HOP#262 iyo HOP#229 oo dhawaan Muqdisho lagu dooranayo.

Diiwaan gelinta guddiga Odayaasha ee soo xulaya ergooyinka dooranaya kuraastan ayaa timid kadib markii shalay Guddiga doorashada uu shaaciyay liiska oday dhaqameedka iyo xubnaha bulshada rayidka ee soo xulaya ergada dooraneysa kuraasta.

Guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaana horey u shaaciyay qabashada doorashada qaar kamid ah kuraasta golaha shacabka, waxaana kuraastan u tartami doona musharaxiin kala duwan.

Doorashooyinkii hore uga qabsoomay magaalada Muqdisho ee lagu doortay dhoor Xildhibaan ayaan loo marin habraacan lagu diiwaan gelanyayo xubnaha odayaasha iyo bulshada rayidka ee soo xulaya ergada dooraneysa Xildhibaanada Golaha Shacabka.

SAWIRRO:-Guddiga Doorashada Somaliland oo diiwaan-geliyey Guddiga xulista Ergo
To Top