WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO: Diyaarad ku burburtay Garoonka Muqdisho & khasaaraha…

Diyaarad ay leedahay Shirkadda diyaaradaha ee Hala Airlines ayaa goordhow ku dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, diyaaradaan ayaa waday rakaab ay ka soo qaaday magaalada Garowe caasimadda Puntland.

Shilkaan diyaaradeed ayaa la sheegay inuu yimid, kadib markii diyaaradda ay xawaaraheeda dhaaftay, xilli ay dooneysay inay cagadhigato dhabbaha ay ku dagaan diyaaradaha ee garoonka diyaaraddaha ee Muqdisho.

Illo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay in diyaaradda laga dajiyey dadkii saarnaa oo lagu qiyaasay 34 illaa iyo 35 ruux oo ahaa rakaabkii diyaaradda saarnaa, waxaana soo gaaray dadkaas qaarkood dhaawacyo.

Sawirro laga soo qaaday goobta ay ku dhacday diyaaradda ayaa muujinayay burbur gaaray qeybo kamid ah diyaaradda ay leedahay Shirkadda diyaaradaha ee Hala Airlines.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradan shilka ku gashay garoonka aysan la socon Ra’iisul Wasaarayaashi hore ee Soomaaliya oo ka soo ambabaxay Garowe, iyagoo ka mid ah Siyaasiyiinta uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku martiqaaday shir wadatashi oo looga hadlayo heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran.

SAWIRRO: Diyaarad ku burburtay Garoonka Muqdisho & khasaaraha…
To Top