WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO: Dab xoog leh oo baabi’iyay Xarun ku taalla Boosaaso & khasaaro

Dab xooggan ayaa qabsaday Xarunta ganacsiga Fadhi-samo ee ku taalla Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, dabkaasi oo dhowr saacadood oo xiriir ah socday ayaana ku faafay inta badan dhismaha Xarunta.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dabka ka kacay Xarunta Fadhi-samo uu markii hore ka bilowday qarax ka dhex dhacay gudaha xarunta, inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga helin sida wax u dhaceen.

Dabka ayaa gebi ahaanba baabi’iyay xarunta ganacsiga Fadhi-samo ee magaalada Boosaaso, waxaana markii danbe lagu guuleystay deminta dabka oo ay ka qeyb qaateen gaadiidka dab demiska dowladdaha ee Boosaaso iyo dadweyne goobta tagay.

Sawirro laga soo qaaday Xarunta Fadhi-samo ayaa muujinayay baaxada uu lahaa dabka oo gebi ahaan baabi’iyay xaruntaas, isla markaana waxaa dabka ka dhashay khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed intaba, sida ay kusoo warrameen dad goobjoogayaal ah.

Dhinaca kale 1 ayaa qof ayaa ku naf-waayay, halka 6 qof kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii gaari kamid ah gaadiidka dab damiska ee ka qayb qaadanayey deminta dabkii ka kacay xarunta ganacsi ee Fadhisame Boosaaso oo fariinka goostay.

SAWIRRO: Dab xoog leh oo baabi’iyay Xarun ku taalla Boosaaso & khasaaro
To Top