WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO:-Ciidanka Kummaandooska DANAB oo Dhoolatus kusoo Bandhigay Turkiga

Cutubyo ka tirsan ciidanka Kummaandooska Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gor-Gor ayaa dhoolatus ku saabsan argagaxiso la dirirka ku soo bandhigay Magaalada Isparta ee dalka Turkiga.

Ciidanka ayaa soo bandhigay tababar ku saabsan habka argagaxisada loo ugaarsado marka ay dhismeyaasha ku dhuuntaan iyo qaabka loo ciribtiro marka ay weeraraan goobaha dadka rayidka ah ay dagan yihiin.

Farsamooyinka Ciidankaan ay barteen ayaa waxaa ka mid ah, in argagixisada lala dagaalamo, iyadoo dadka ay heystaan laga badbaadinayo.

Ciidamada sida gaarka ah u carbisan ee Soomaaliya, ayaa ah kuwo leh qibrad sare iyo xeelad dagaal, taas oo dhabarka ka jabisay argagixisada.

Dowladda Turkiga ayaa door weyn ka qaatay dhismaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana Turkiga uu tababar siiyey kummanaan Askari oo kamid ah Ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo dagaal kula jira Maleeshiyaadka Al-shabaab.

SAWIRRO:-Ciidanka Kummaandooska DANAB oo Dhoolatus kusoo Bandhigay Turkiga
To Top