Ku-simaha Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool iyo deegaannada hoos yimaada, halkaasi oo todobaadkan laga saaray Ciidankii maamulkii Somaliland ee kusoo gardarooday dadka deegaanka.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa waxaa Gobolka Sool kusoo dhoweeyay Masuuliyiinta SSC, Waxgaradka iyo Saraakiisha Ciidanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Sool, wuxuuna booqday illaa deegaanka Guumeys oo u dhow difaaca hore ee Gobolka .
Wuxuu Madaxweyne ku-xigeenku boggaadin iyo dhiirigelin la wadaagay Bulshada Gobolka Sool, isagoo inta uu ku suganyahay Laascaanood kulamo la qaadan doona Masuuliyiinta SSC, Hoggaanka dhaqanka, Saraakiisha Ciidanka, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Laascaanood.
Ciidankii Maamulka Somaliland ayaa jimcihii lasoo dhaafay dagaal saf-ballaaran ah looga saaray magaalada Laascaanood iyo guud ahaan Gobolka Sool, waxaana xusid mudan in Somaliland ay bilihii lasoo dhaafay ay deegaanka ka geystay gawood-falo waaweyn.