WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO: Al-shabaab oo Qarax xooggan ku burburisay Buundada Buulo-burte

Qarax Is-miidaamin ah ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan, gaar ahaan Buundada magaalada, waxaana qaraxa uu ahaa mid loo adeegsaday gaari nooca Soomaalida u taqaan Hoomeyda oo qaraxyo laga soo buuxiyey.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa uu qeyb kamid ah burburay Buunada magaalada Buulo-burte, isla markaana waxaa qaraxa ka dhashay khasaaro kala duwan, inkastoo aan rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha inta uu la egyahay.

Sawirrada laga soo qaaday goobta qaraxa ayaa muujinaya burburka uu geysta qaraxa, Buulo-burte ayaa waxaa ku sugan Wasiiro, XIldhibaano iyo mas’uuliyiin kala duwan, kuwaasi magaalada u tegay dardra-gelinta howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha ammaanka degmada iyo Maamulka Hirshabeelle oo ay uga hadlayaan qaraxaas dhacay, goobta qaraxa ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo aaga xiray.

SAWIRRO: Al-shabaab oo Qarax xooggan ku burburisay Buundada Buulo-burte
To Top