WARARKA SOOMAALI

SAWIRO: Khasaaro ka dhashay Madaafiicda Somaliland ku garaacday Laascaanood

Ciidanka Maamulka Somaliland ayaa madaafiic culus ku garaacaya xaafaddo ka tirsan magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Bari, kadib markii saaka ay weerar kusoo qaadeen saldhigyo ciidanka SSC ay ku leeyihiin meel ku dhow duleedka magaaladaas.

Madaafiicfa qaarkood ayaa ku habsaday guryo ay degan yihiin dad shacab ah, isla markaana waxaa ka dhashay khasaaro burbur oo gaaray dhismayaal ay ku dhaceen hoobiyeyaasha ay soo tureen ciidanka Somaliland.

Wararka ayaa intaas kusii daray inay jiraan dad dhaawacyo kasoo gaareen madaafiicda, kuwaasi oo daryeel caafimaad loo fidinayo, Sawirro lasoo qaaday ayaa muujinaya baaxada burburka gaaray guryaha Laascaanood oo ay ku dhaceen madaafiicda.

Ciidamada deegaanka ee SSC ee haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa iska cabin xoogan ku sameeynaya ciidanka Milatariga Somaliland ee duulaanka soo qaaday, Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan.

Muddooyinkii u dambeeyay xaaladda magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa ahayd mid deggan, inkastoo ay jireen dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo Maamulka Somaliland ka waday aaga Goojacade.

SAWIRO: Khasaaro ka dhashay Madaafiicda Somaliland ku garaacday Laascaanood
To Top