WARARKA SOOMAALI

SAWIRO: Isimada SSC & Xildhibaano BFS oo la kulmay Saraakiisha Booliska Khaatumo

Golaha Isimada Dhaqanka ee Gobollada SSC-Khaatumo oo ay wehelinayeen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Duqa Degmada Laascaanood, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey Taliska Booliska qaybta Guud ee Gobolka Sool, iyaga oo halkaas kulan kula qaatay Saraakiisha iyo cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska ee SSC- Khaatumo.

Golaha Isimada Dhaqanka ayaa Saraakiisha Ciidanka Booliska ka dhegaystay warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee magaalada iyo shaqooyinka muhiimka ah ee Ciidanka Booliska ay u hayaan shacabkooda,

Sidoo kale Isimada ayaa faray dhammaan Ciidanka Booliska inay sii labo jibbaaraan dadaalkooda ku aaddan xaqiijinta amniga guud ee magaalada, gacan bir ahna ku qabtaan dhammaan falalka liddiga ku ah amniga iyo xasilloonida oo uu ugu horreeyo maandooriyaha Khamrigu.

Golaha Isimada Dhaqanka ayaa kormeeray Xabsiga Dhexe ee Degmada Laascaanood, iyaga oo u kuur galay duruufaha uu ku shaqeeyo xabsigu, waxaana Golaha Isimada Dhaqanku ay hoosta ka xarriiqeen muhiimadda ay leedahay hawl-gelinta dhammaan xarumaha adeegyada dadweynaha ee Degmada Laascaanood.

Ciidanka Booliska SSC-Khaatumo oo bishii la soo dhaafay lagu aasaasay magaalada Laascaanood ayaa muddooyinkan waday hawl-gallo ay kaga hortagayaan falalka liddiga ku ah amniga iyo xasilloonida deegaanka, isla markaana ku xaqiijinayaan ilaalinta badqabka nafta, sharafka iyo maalka shacabka ku dhaqan deegaannada SSC-Khaatumo.

SAWIRO: Isimada SSC & Xildhibaano BFS oo la kulmay Saraakiisha Booliska Khaatumo
To Top