WARARKA SOOMAALI

Saldhig ay lahaayeen Al-shabaab oo howlgal qorsheysan lagu burburiyey

Ciidanka Xooggga dalka gaar ahaan Guutada 7-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal ballaaran oo ka dhan ahaa dagaalamayaasha Al-shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamada dowladda oo howlgalka si gaar ah kaga fuliyay deegaanka Jambaluul ayaa ku bur buriyay saldhigii Al-Shabaab halkaas ku lahaayeen, sidoo kalena ay burburiyeen goob ay ku sugnaayeen Shabaabka, waa sida hadalka loo dhigay.

Sidoo kale, Ciidamada ayaa howlgalo kale ka sameeyay Tuulooyinka kala ah, Banana, Sardhagool iyo wadada Xariirisa Afgooye iyo degmada Balcad, waxaana howlgalkaas hoggaaminayey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga gaar ahaan kuwa Guutada 7-aad qeybta 60-aad.

Saraakiisha ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedka howlgalka uu ahaa mid lagu doonayey in lagu xaqiijiyo amniga deegaanada howlgalka laga sameeyay ee ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Saldhig ay lahaayeen Al-shabaab oo howlgal qorsheysan lagu burburiyey
To Top