WARARKA SOOMAALI

Safiirka Qatar ee Soomaaliya oo Maanta gaaray Magaalada Hargeysa

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa kulan la qaatay safiirka waddanka Qatar u fadhiya dalka Soomaaliya Amb. Hassan Bin Hamza Hashem oo socdaal ku tegay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Madaxweyne-ku-xigeenka oo ay wehelinayaan guddida gurmadka iyo taakulaynta suuqa Waaheen, xubno kamid ah golaha wasiirrada, ayaa safiirka geeyey bartamaha suuqa gubtay ee Waaheen oo ay weli ka socoto nadiifinta haraadiga hantidii gubatay, waxana uu safiirku arkay inta ay le’eg tahay dhibaatada dabku geystay, isaga oo muujiyey sida uu uga xun yahay dhibka gaaray Ganacsatada.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland), ayaa safiirka uga xog warramay dhibaatada uu dabku gaarsiiyay ganacsatadii suuqa ku ganacsan jirtay iyo hantidii kala duwanayd ee halkaas taallay.

Cabdiraxmaan Saylici ayaa waxaa uu sheegay inay kumanaan qof oo hantiileyaal ahaan jiray haatan faro-madhnaan taagan yihiin oo uu dabkaasi hantidoodii baabi’iyey.

Safiirka dalka Qatar Ambassador Hassan Bin Hamza Hashem, oo ay wehelinayaan, Fahad Al-Dehemi oo ah sarkaal ka socday gargaarka caalamiga ah ee Qadar iyo Yuosef Al-Mulla oo ah Cilmi baare dhinaca Gargaarka Bini’aadamnimada ee Qadar iyo Ali Abdullah Al-Dabbagh,  ayaa muujiyey sida ay uga tiiraanyeysan yihiin dhibka gaaray hantidii Somaliland.

Safiirka ayaa waxaa uu wareejiyey mucaawimo raashin ah oo ay ugu talo galeen 750 qoys oo oo danyar ah, waxana uu ballan qaaday inay ka dawlad ahaan ka qayb qaadan doonaan dib-u-dhiska suuqa gubtay ee Waaheen.

Safiirka Qatar ee Soomaaliya oo Maanta gaaray Magaalada Hargeysa
To Top