WARARKA SOOMAALI

Safiirka cusub ee UK ee Somalia oo laga guddoomay nuqul ka mid ah warqadihiisa

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee dowladda Ingiriiska u fadhin doona dalkeena danjire Michael Nithavrianakis.

“Dalkeena iyo boqortooyada UK waxaa ka dhaxeeya xiriir qoto dheer oo iskaashi ku dhisan, waxaana ka wada shaqaynaa dhinacyada ammaanka, mashaariicda horumarinta, dhaqaalaha iyo gargaarka” ayuu yiri mudane Huruuse.

Abshir Cumar Jaamac ayaa intaas ku daray in dowladda Ingiriisku aheyd dowladdii ugu horaysay ee wadamada reer galbeedka ka tirsan ee safaarad fadhigoodu yahay Muqdisho ka furatay dalka burburkii ka dib.

Saacadaha soo socda ayaa la filaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu waraaqaha aqoonsiga ka guddooma Danjiraha cusub ee dowladda UK kaas oo badala Kate Foster.

April 18, 2023-ka Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Arrimaha dibadda ee Boqortooyada Ingiriiska UK ayaa lagu sheegay in Michael Nithavrianakis loo magacaabay safiirka cusub ee dalkaas u fadhin doona Soomaaliya.

Safiirka cusub ee UK ee Somalia oo laga guddoomay nuqul ka mid ah warqadihiisa
To Top