WARARKA SOOMAALI

Safiir loo soo magacaabay Somalia oo Warqadaha aqoonsiga laga guddoomay

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Balal Maxamed Cusmaan, ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo kaga guddoomay Safiirka Boqortooyada Sweden ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Per Lindgärde.

Intii uu kulanka socday, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu soo dhoweeyay Safiirka cusub ee Sweden , isagoo u rajeeyay inuu ku guuleysto howsha loo xilsaarray si uu hore ugu dhaqaajiyo xiriirka labo geesoodka ee labada dal si ay u yeeshaan iskaashi dhow oo dhinacyo kala duwan leh.

Dhankiisa, Danjiraha Boqortooyada dowladda Sweden ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay inuu dalkiisa ku matalo Soomaaliya, wuxuuna bogaadiyay xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee ku saleysan dhinacyo kala ah.

Ugu dambeyntii Safiirka Boqortooyada Sweden ee Soomaaliya Per Lindgärde ayaa ku nuuxnuuxsaday inuu ku dadaali doono sidii loo horumarin lahaa xiriirkaas si loo gaaro himilooyinka guud ee labada dal iyo labada dad ee saaxiibka ah.

Safiir loo soo magacaabay Somalia oo Warqadaha aqoonsiga laga guddoomay
To Top