Wargeyska maalinlaha ee The Wall Street Journal ee ka soo baxa magaalada New York ayaa waxa uu shalay oo sabti aheyd qoray inay dowladda Sacuudiga qabanqaabinayso Shirkaasi oo lagu casuumay ilaa 30 wafuud dowladeed oo ay ku jiraan kuwo ka kala socda dalalka Reer Galbeedka, Waddamada horey u maray, Maraykanka, UK, South Africa, Poland, dalalka Midowga Europe, India, Brazil, Masar, Mexico, Indonesia iyo Zambia.
Kulanka Saraakiisha sar sare ayaa waxa uu ka dhici doonaa magaalada Jeddah bisha soo socota ee August 5-da ilaa 6-da
La-Taliyaha ammaanka Qaranka Maraykanka, Jake Sullivan la rajeynayo inuu ka qeyb qaato Shirkaasi, inkastoo aan Dowladda Raashiya lagu casuumin Kulankaasi, sida uu qoray Wargeyska The WSJ.
Dhanka kale, Saraakiisha Ukraine iyo kuwa dalalka Reer Galbeedka ayaa Rajo ka qaba in Wada-hadalka shirka Jeddah uu horseedi karo taageerada Caalamka ee Xilliyada Nabadda ee u danaybayo dalka Ukraine.