WARARKA SOOMAALI

RW Xamse oo Maanta magacaabay Guddiga xuska maalmaha Xorriyadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Maanta oo talaado ah magacaabay Guddiga qaban-qaabada Xuska Sanad guurada 63-aad ee maalmaha xorriyadda.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo garowsan qiimaha iyo mudnaanta ay leedahay sanad guurada 63—aad ee Gobannimada, Midnimada iyo dhalashadii Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa magacaabay Guddiga oo ka kooban 9 xubnood.

Guddigan ayaa waxaa guddoomiye ka ah Wasiirka arrimaha gudaha , federaalka iyo dib u heshiisiinta, Axmed Macallin Fiqi, isla mrakaana waxaa la faray inay ka shaqeeyaan xuska maalmaha xorriyadda ee nagu soo foodleh.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah Wasiirka Warfaafinta Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiirka Amniga gudaha, Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe), Wasiirka Maaliyadda, Dr; Cilmi Maxamed Nuur, Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maxamed Maxamuud Barre, Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada, Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Xannaanada Xoolaha , dhirta iyo daaqa, Xasan Xuseen Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho,  Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

RW Xamse oo Maanta magacaabay Guddiga xuska maalmaha Xorriyadda
To Top