Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Indonesia u qaabilsan Soomaaliya, Dr. Maxamad Hery Saripudin.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka Indonesia ayaa intii uu kulanku socday isla soo qaaday xiriirka qotoda dheer ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa.
Labada dhinac ayaa waxay si gaar ah u dul istaageen muhiimadda ay leedahay in la dhiirrigeliyo iskaashi mug leh oo dhinacyada dhaqaalaha, dhaqanka iyo bulshada ah oo dhex mara labada waddan.
Danjiraha Dowladda Indonesia u qaabilsan Soomaaliya, Dr. Maxamad Hery Saripudin ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre uga mahadceliyay soo dhaweynta uu xafiiskiisa ugu sameeyay.
