WARARKA SOOMAALI

RW Xamse & Axmed Madoobe oo tagay deegaano laga qabsaday AS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa booqday Ciidamada Qalabka Sida iyo Daraawiishta Jubbaland ee ku sugan deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo dhawaan dagaal la galay Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha oo bogaadiyey qaabka ay Ciidamada Soomaaliyeed ay Al-Shabaab uga xoreynayaan dalka , ayaa ku dhawaaqay in dowladdu ay siinayso abaalmarin lacageed la guddoonsiinayo ciidamada Birjeex ee ku jabiyey Shabaabka deegaannada Jubaland.

“Waad cibaadeysateen maxaa yeelay waxaad layseen kuwii uu suubanuhu na faray in la laayo oo la burburiyo, waxaad ka farxiseen muslimiinta, waxaad rubadda goyseen Khawaarijtii ay ummadda Soomaaliyeed necbaayeen. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in khawaarijta dalka laga xorreeyo oo la tirtiro, in badan oo kamid ah dalka waa laga xaaqay oo ay kamid tahay Buulo-Xaaji”.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in guushan ay ka marqaati kacayso tayada iyo awoodda Ciidamada Soomaaliyeed iyo dadaalka ay dowladdu ku bixinayso dib u dhiskooda, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay garab istaagga iyo wadashaqeynta shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan ciidamada, dowladduna ay deegaannada la xorreeyey geyn doonto adeegyada asaasiga ahaa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka duulaysa in gurmad iyo gargaar deg-deg ah la gaarsiiyo bulshada ku nool deegaannada laga xoreeyo Khawaarijta, ayaa waxa ay hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka SoDMA gaarsiisay raashin 900 oo qoys oo ku nool deegaanka Buullo-Xaaji, taas oo qayb ka ah qorshaha safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Jubbaland.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha, ayaa waxaa kamid ah Wasiirro ka tirsan Xukuumadda heer federaal iyo heer dowlad goboleed, Xildhibaanno, taliyeyaasha ciidanka X.D.S, Boliiska iyo haween matalayey ololaha Hooyo u hiili Qaranka oo gaarsiiyey ciidanka sahay dhan 5,340 oo isugu jira buskut, timir iyo kalluun.

 

RW Xamse & Axmed Madoobe oo tagay deegaano laga qabsaday AS
To Top