WARARKA SOOMAALI

RW Rooble oo War kulul kasoo saaray Hoobiyeyaashii ku dhacay Villa Hargeysa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya ayaa waxaa uu Cambaareeyay falalka argagixisada ee la doonayo in lagu carqaladeeyo shaqada Baarlamaanka Federaalka ah.

Qoraal uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa uu ku sheegay in Isku dayga Maanta ee hoobiyeyaasha kusoo dhacay Villa Hrageysa uu ahaa fal fulaynimo ah oo la doonayay in lagu cabsigaliyo Baarlamaanka oo ku guda jira waajib gudashadiisa dastuuriga ah si loo cuuryaamiyo in doorashadu dhaqso u dhammaato.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruha Xukuumadda uu bogaadiyay dadaalka Baarlamaanka ee dhammaystirka iyo dardargalinta doorashada dalka socota, isla markaana la dardar-geliyo qabsoomida doorashooyinka Golaha Shacabka ka harsan.

Ra’iisul Wasaaruha oo bogaadinaya shaqada naf hurnimada ah ee Ciidamada Qaranka ayaa faray Taliyeyaasha Ciidammadu in ay labalaabaan dadaalkooda ku aaddan suggidda amniga iyo ka hortagista isku day kasta oo lagu carqaladaynayo amniga dalka, gaar ahaan xilligaan lagu guda jiro arrimaha doorashooyinka.

Hoobiyeyaasha ku dhacay Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa ku dhaawacmay qaar kamid ah Ilaalada Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo dad kale, waxaana Weerar uu dhacay, xili uu soo dhammaaday kulan ay yeesheen labada Golle.

RW Rooble oo War kulul kasoo saaray Hoobiyeyaashii ku dhacay Villa Hargeysa
To Top