WARARKA SOOMAALI

RW Rooble oo Amar Deg-deg kasoo saaray Dad loo qabtay dilalkii Dhallinyarada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa ka tacsiyadeeyay dil Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya Muqdisho ugu geesteen Wiil iyo Gabar walaalo ahaa iyo Sarkaal kale oo ka tirsanaa Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaana si gaar ah ugu tacsiyadeeyay lana qeybsaday murugada ehelada iyo qaraabada ay ka baxeen dhalinyaradan sida gardarada ah loogu dilay Magaalada Muqdisho.

”Waxaan xanuunka iyo murugada la qeybsanayaa una tacsiyeynayaa qoysaskii ay geeriyoodeen Allaha naxariistee dhallinyaradii xalay iyo galabta lagu dilay Muqdisho ee Sakariye Maxamuud Xuseen, Sowda Maxamuud Xuseen iyo Mahad Cabdiraxmaan Maxamuud .” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaana cadeeyay in ciidamada amaanka soo qabteen eedeesanayaasha dilalka lagu tuhmayo, waxa uuna dalbaday in si deg deg ah cadaalada loo horgeeyo.

”Waa tallaabo wanaagsan in ciidammada ammaanku soo qabteen eedaysanayaashii. Waxaan farayaa in si deg deg ah sharciga loo hor geeyo si dhibbaneyaashii iyo eheladoodu caddaalad u helaan.” ayuu yiri Rooble.

RW Rooble oo Amar Deg-deg kasoo saaray Dad loo qabtay dilalkii Dhallinyarada
To Top