Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dowladda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Niyaami ee dalka Niger, halkaasi oo lagu soo dhaweeyay.
Wefdigaasi ayaa ka qeybgaslaya shirka Midowga Afrika ee warshadaynta iyo isu dheelli-tirka dhaqaalaha oo ka dhacay caasimadda dalka Niger ee Niami.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dowladda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac iyo wefdi uu hoggaaminayo, waxaa sidoo kale la filayaa in ay kulamo la qaataan madaxda dalalka ka qaybgalaya shirkaasi.
Wefdigaasi waxaa garoonka diyaaradaha ee Niyaamo ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Niger Mr. Ouhoumoudou Mahamadou.