WARARKA SOOMAALI

RW ku-xigeenka Dowladda Somalia oo gaaray Zambia & xogta socdaalkiisa

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Lusaka ee Caasimadda dalka Zambia, halkaasi oo dhaweyn ay ugu sameeyeen mas’uuliyiin ka tirsan Zambia.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa Zambia kusoo dhaweeyay Madaxda Soomaaliyada ee dalkaas iyo mas’uuliyiin kamdi ah Zambia, kadibna waxaa loo gelbiyay halka loogu tala-galay inay degaan Saalax Jaamac iyo wafdigiisa.

Ujeedka Saalax Axmed Jaamac u tagay Magaalada Lusaka ee Caasimadda ayaa ah ka qeyb galka shirka 22aad ee COMESA oo Maanta oo khamiis ah ka furmaya dalkaas.

COMESA oo ah suuqa guud ee Bariga iyo Koonfurta Afrika ayaa shirkiisa 22-aad ayaa waxaa ka qayb galaya madax ka kala socota Qaaradda Afrika. Waxaa lagu lafa-guri doonaa is-dhexgalka dhaqaale iyo kor u qaadidda ganacsiga gobolka iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.

RW ku-xigeenka Dowladda Somalia oo gaaray Zambia & xogta socdaalkiisa
To Top