WARARKA SOOMAALI

Ruushka oo qaatay Go’aan saameyn kara Dalal badan oo ay ku jirto Somalia

Ruushka ayaa ka baxay heshiiskii uu ku oggalaaday in badda madow laga dhoofiyo Qamadiga iyo Galayda Ukraine, kaddib markii uu sheegay in looga baxay shuruudihii uu ku xiray, iyadoo heshiiska oo ay garwadeen ka ahaayeen QM iyo Turkiga uu dhacayo Isniinta maanta.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Ruushka, Maria Zakharova ayaa sheegtay in Moscow ay ku wargelisay Ukraine, Turkiga iyo QM go’aanka ay ka qaadatay heshiiska, sida ay baahisay wakaaladda Ruushka ee RIA Novosti.

Qamadiga iyo Galayda laga keeno dalka dagaallada ka socdaan ee Ukraine ayaa waxaa si weyn ugu tiirsan dalalka soo koraya gaar ahaan waddadamada qaarada Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto.

Go’aanka ay dowladda Ruushka qaadatay ayaa mar kale dib usoo celinaya qiimo kororkii ku yimid Qamadiga iyo wal walkii laga qabay cuna yarida adduunka.

Heshiiska Qamadiga Badda Madow ee Turkiga iyo Qaramada Midoobay ayaa waxaa magaalada Istanbul ku kala saxiixday Ruushka iyo Ukraine bishii Luulyo 22, 2022 si loogu oggolaado shixnadda badarka adduunka inteeda kale. Tan iyo markii heshiiska la saxiixay, in ka badan 32 milyan oo tan ayaa la raray.

Ruushka oo qaatay Go’aan saameyn kara Dalal badan oo ay ku jirto Somalia
To Top