WARARKA SOOMAALI

Ruto oo si Deg-deg uga laabtay sharcigii sababay dhimashada dad badan

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa go’aan degdeg ah ka qaatay mooshin canshuur kordhin ah oo uu rabay inay Baarlamaanku ansixiyaan balse shacabkii ka hor imaadeen ilaa  dibad bixii shalay uu sababay dhimashada 10 ruux, kuwaasoo diidanaa canshuur kordhinta.

Madaxweyne Ruto ayaa wuxuu ka laabtay qorshihiisii canshuur kordhinta, isagoo ku dhawaaqay inuu u tanaasulay shacabkiisa Kenya ee dhiigooda u hurey inay muujiyaan diidmadoda canshuur kordhinta.

Madaxweyne Ruto ayaa maanta diiday inuu saxiixo sharciga maaliyadda ee muranka dhaliyay ee ay sharci-dajiyayaasha u codeeyeen in la meel mariyo talaadadii, sharcigaas oo kordhin lahaa canshuuraha.

Dhowr qof ayaa ku dhintay Talaadadii shalay ka dib markii booliisku ay rasaas toos ah ku fureen dad mudaaharaadayay oo isku dayayay in ay gudaha u galaan baarlamaanka Kenya. qeybo ka mid ah xarunta golaha shacabka ayaa waxaa dab qabadsiiyay dibadbaxayaasha.

Milatari ayaa la geeyay Kenya si ay uga taageeraan bilayska wax ka qabashada xaaladda degdegga ah ee amniga ee dalka.

Ruto oo si Deg-deg uga laabtay sharcigii sababay dhimashada dad badan
To Top