WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Maanta gaaray Sacuudiga iyo ujeedka safarkiisa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa gaaray magaalada Jidda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Sacuudiga u tagay gudashada Cimrada, waxaana safarkiisa ku wehlinaya qaar kamid ah Golhiisa Wasiirada iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

War Qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Xamse Cabdi Barre oo gudanaya Cumrada uu ummadda Soomaaliyeed ugu soo duceeyay in Alle uu ka dulqaado dhammaan dhibaatooyinka heysta oo ay ugu horreeyaan abaaraha iyo colaadda, uguna beddelo barwaaqo, nabad iyo midnimo.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in sanadkan uu noqon doono Gugii Guusha oo ciidanka qalabka sida iyo shacabka oo wada jira ay uga xoreyn lahaayeen dalka Al-Shabaab oo muddo 15 sano ah dagaalo ka waday gudaha Somalia.

Xamsa Cabdi Barr iyo wafdigiisa ayaa sanadkaan kamid noqday malaayiinta qof ee Bisha barakeysan ee Ramadaan cimreysanaya, dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato qaar kamid ah madaxda dowladda Sacuudiga.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Maanta gaaray Sacuudiga iyo ujeedka safarkiisa
To Top