WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Ganacsatada hordhigay hal arrin oo muhiim ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Hamza Abdi Barre ayaa kulan la qaatay xubno ka socday Ganacsatada Soomaaliyeed oo uu kala hadlay kaallinta kaga aadan Gurmadka iyo taakuleynta dadkii ku wax yeeloobay qaraxii bahalnimo ee lagu laayay dad shacab ah.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen guddiga heerka wasiir iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  ee gurmadka ayaa diiradda lagu saaray doorka ganacsatadu ay ku leeyihiin samatabixinta iyo midaynta kaalmaha dhaqaale ee lagu taakuleynayo dadka ay wax yeelladu ka soo gaartay qaraxii arxan darrada ahaa ee Khawaarijtu ka fuliyeen Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ganacsatada ugu mahad celiyey doorkooda muuqda, ayaa xusay in wadajir xoogga loo saaro sidii shacabka loogu gurman lahaa, dowladduna ay qaaday tallaabooyin wax ku ool ah, lana sii wadi doono howlaha gurmadka, shacabka Soomaaliyeedna looga baahan yahay in ay sii kordhiyaan gurmadka iyo dadaalka ay wadaan.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Ganacsatada hordhigay hal arrin oo muhiim ah
To Top