WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Booqday Ciidanka lagu tababaray Ereteriya (SAWIRRO)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre ayaa maanta kormeer ku tagay Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho oo ay deggan yihiin Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ee tababarka dhowaan ku soo qaatay waddanka Ereteriya.

Qoraal lagu baahiyay barta Warfaafinta ee Xamse ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay ciidanka uu xusay in shacabka Soomaaliyeed aaminsan yihiin in Al-shabaab muddo kooban kaga saari doonaan goobaha  kooban ee ay kaga hareen ay dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre ayaa waxaa uu sheegay inu Ciidamada Xoogga dalka ee tababarka kusoo qaatay Ereteriyauu ku garab siin doono sidii aad u soo celin lahaayeen karaamadii sharaftii iyo cisigii shacabka Soomaaliyeed.

“Waa la idin sugayay, laba qolo ayaa idin sugayay; qolo imaashihiini, joogitaankiina iyo sidan aad u diyaarsan tihiin maanta farxad iyo reyn reyn ay u tahay – waa Shacabkiina, Dalkiina iyo Calankiina, qolona way idin sugeysay laakiin waxay idinku sugeysay, markaad timaadaan inay jabayaan, cabsi, khawf, naxdin iyo walbahaar ayay la il xun yihiin.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa dhinaca kale waxa uu baaq u diray dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka tirsan Shabaabka, kuwaasi oo uu sheegay in ay fursad heystaan oo la joogo xilligii ay isku soo dhiibi lahaayeen intii qaban lahaa iyaga oo dambi gacmaha kula jira.

 

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Booqday Ciidanka lagu tababaray Ereteriya (SAWIRRO)
To Top