WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo kulan la qaatay wafdi soo gaaray dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday hey’adda IOM, oo ay hoggaamineysay Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee IOM, Amy Pope.

Xubnaha wafdiga oo ay ka mid ahaayeen Agaasimaha IOM ee Gobolka iyo Madaxa hey’adda ee Soomaaliya ayaa waxa ay warbixin ka siiyeen Ra’iisul Wasaaraha, hawlaha kala duwan ee ay ka wadaan dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay dadaalka iyo hawsha ay hey’adda IOM ka waddo Soomaaliya, isaga oo ballanqaaday in hey’adaaha dowladdu ay wada shaqeyn dhow la sameyn doonaan – gaar ahaan xilligan lagu jiro gurmadka abaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo kulan la qaatay wafdi soo gaaray dalka
To Top