WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre iyo wafdigiisa oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamse Abdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii ay ka soo qaybgaleen shirkii Caalamiga ahaa ee TICAD8 ee lagu qabtay magaalada Tunis.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa intii uu socday shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Afrika ayaa waxa uu la kulmay madax kala duwan oo ka qaybgalaysay shir madaxeedka, kaasi oo ka qabsoomay magaalada Tunis

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka jeediyay shirka khudbad taabanaysay dhinacyo kala duwan sida amniga, abaarta, cunto yarida, isbeddelka cimillada iyo saameynta ay keentay.

Ra’iisul Wasaaraha oo xubnaha wafdigiisa ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Beene Beene, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Cali Maxamed Cumar iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa garoonka ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre iyo wafdigiisa oo dib ugu soo laabtay Muqdisho
To Top