WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Rooble oo safar ugu ambabaxay Baydhabo iyo ujeedkiisa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada oo uu horreeyo Wasiirka Wasaaradda Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Mas’uuliyiin kale oo kamid ah dowladda Federaalka.

Ujeedka Ra’iisul Wasaaraha ee Baydhabo ayaa waxaa uu yahay ka qeybgalka Munaasabadda sanad guurada 3-aad ee markii la doortay Madaxweynaha dowlad Goboleedkaas Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Inta uu ku sugan yahay Baydhabo, Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxweyne Lafta-gareen, iyagoo ka wada hadli doona Arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda deegaannada Maamulkaas iyo doorashada dalka.

Ammaanka guud ee Magaalada Baydhabo ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana haatan Garoonka Shaati guduud ka socota qaban-qaabada lagu soo dhaweynayo Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdigiisa oo saacad kadib tegaya Magaaladaas.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo safar ugu ambabaxay Baydhabo iyo ujeedkiisa
To Top