WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Maanta kulan la yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta oo Axd ah kulan la qaatay qaar kamid ah wakiillada Beesha Caalamka.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay inta uu socday arrimaha doorashooyinka dalka oo heer gebogebo ah maraya iyo u diyaar garowga dhaarinta Xildhibaannada labada aqal ee la qorsheeyay 14-ka bishaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa la wadaagay Wakiilada Beesha Caalamka inay ka go’an tahay dhammeytirka doorashada dalka, isla markaana Maamulada Jubbaland iyo Hirshabeelle ay si dhaqsi u soo gaba-gabeyn doonaan doorashada Golaha Shacabka.

Rooble ayaa Beesha Caalamka uga mahadceliyay garab istaaga geedi socodka hannaanka doorashada dalka socota oo heer gaba-gabo mareysa, isla markaana 14-ka bishaan April la qorsheeyay dhaarinta Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Maanta kulan la yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka
To Top