WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Maanta kulan la qaatay Safiirka Sacuudi Carabiya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Axmed Bin Muxamed Saalix Almuwalad.

Labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjire Muwalad, ayaa ka wada hadlay xaaladda abaarta ka jirta Soomaaliya iyo sidii dowladda Sacuudigu uga qeyb qaadan lahayd gurmad lala soo gaaro dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maalmihii la soo dhaafay waday dadaalo uu Beesha Caalamka kaga doonayo in loogu gurmado dadka Soomaaliyeed ay saameysay abaarta.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Maanta kulan la qaatay Safiirka Sacuudi Carabiya
To Top