Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa haatan waxaa uu kulan uga socdaa Xerada Xalane ee ku dhex taalla Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Shirkan ayaa waxaa looggu arinsanayo Xaaladda guud ee dalka sida Arimaha soo cusboonaaday ee Doorashooyinka ,dhameestirka Xubnaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad iyo kaalinta Xukuumadda ee gurmada abaaraha.
Kulankaan ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ku matalaya ku xigeenkiisa Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.
Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa taagneyd Khilaaf xoogan oo ka yimid dhanka guddiga Doorashooyinka, iyadoo Ra’iisul Wasaare Rooble uu xilalka ka xayuubiyey xubno kamid ah Guddigaas oo uu ki jiro Maxamed Xasan Cirro oo ahaa Guddoooyihii hore ee Guddiga.
Dhinaca kale Maamulka Koonfur Galbeed ayaa joojiyay xiriirkii wadashaqeynta ee Arrimaha doorashooyinka ee kala dhexeeysay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble.