WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Rooble oo hakiyey Doorashada Xildhibaanada Banaadiriga (Sababta)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xuseen Rooble ayaa hakiyey qabashada doorashada shanta kursi ee Xildhibaanada Banaadiriga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in Rooble ay soo saartay cabasho ay u soo gudbiyeen qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka ee Beelaha Banaadiriga, taas oo ku aaddan guddiga Odayaasha iyo Bulshada rayidka ah ee soo xulaya ergooyinka dooranaya kuraasta Golaha Shacabka ee Banaadiriga.

“Si loo xalliyo cabashadaas, waxaan magacaabayaa guddi ka kooban xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee (FEIT) iyo Xafiiskeyga, si ay arrintan u baaraan warbixinna iigu soo celiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan” ayuu yiri Rooble.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray Guddiga doorashada SEIT ee Banaadiriga inay hakiyaan qabashada shanta kursi ee Xildhibaanada Banaadiriga, inta laga xalliyo cabashada ay soo gudbiyeen Odayaasha dhaqanka.

Tallaabada uu Ra’iisul Wasaare Rooble ku joojiyey doorashada Xildhibaanada Banaadiriga ayaa kusoo aaday, iyada oo qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka kuri kamid ah kuraasta Banaadiriga ay Rooble ku eedeeyeen inuu boob ku haayo doorashada…

Ra’iisul Wasaare Rooble oo hakiyey Doorashada Xildhibaanada Banaadiriga (Sababta)
To Top